Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay saraakiil ka tirsan Xoogga dalka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xurunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Cabdinuur Daahir Fiidow iyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka, Sarreeyey Guuto Maadeey Nuureey Sheekh Ufurow.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa dedaallada gurmadka iyo garab istaagga dadka ay aafeeyeen fatahaadaha ku dhiftay qeybo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho, hanti burbur iyo barakacba leh.

Guddoomiye Maxamuud ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska XDS iyo dhammaan ciidamada qalabka sida uga mahad celiyay sida ay ugu gurmadadeen dadka fatahaaduhu wax-yeelleeyeen, isagoo ku baaqay in aan loo kala harin howlaha naf-badbaadinta ah ee socda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here