Israaiil oo ciidamada usoo dirtay maamulka Soomaaliland

0

MUQDISHO – Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaali ayaa sheegay in 50 askari oo ka tirsan ciidanka Israaiil, kuwaas oo asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika, loo diray Somaliland ka dib aqoonsigii bishii December ee sannadkii hore, taas oo qeyb ka ah heshiisyo ammaan oo labada dhinac dhexmaray.

 

“Sida ay muujinayaan warbixinnada sirdoonkeenna, milatariga Israaiil waxay doorteen askar Yuhuud ah oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika, gaar ahaan dalka Itoobiya, si aysan u soo jiidan indhaha dadweynaha, ugana dhex muuqan bulshada deegaanka,” ayuu yiri mas’uulka oo la hadlay Middle East Eye.

Dhanka kale, telefishinka CNN ayaa horraantii bishan baahiyay, isagoo soo xiganaya ilo wareedyo xog-ogaal ah, in Somaliland ay Israaiil siisay saldhig milatari, kaasi oo ay adeegsadeen diyaaradaha Israaiil intii ay ku guda-jiraan duqeymaha dalka Iiraan.

Tallaabadan ayaa u muuqataa mid sii xoojineysa xiriirka labada maamul ee Israaiil iyo Soomaaliand, iyada ay jirto diido xoogan oo ay muujinayaa xulufada Soomaaliya taasi oo ku aadan saameyn Israaiil ee gobolka Gesska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here