BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Guddoonka Baarlamaanka,, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, saraakiisha hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyey wafdiga Hogaamiyaha.
Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta mashaariicda horumarineed, iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Safarka shaqo ee Hoggaamiyaha ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka, nabadda, iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.





