Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wasiirka difaaca ee Boqortooyada UK

0

LONDON (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugnaa magaalada London waxa uu la kulmay Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey.

 

Wasiirka Difaaca UK ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u xaqiijiyey in UK ay sii wadidoonta taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey ayaa sidoo kale waxa ay diiradda ku saareen shirka amniga Soomaaliya ee dhowaan ka filayo in uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkaan gaaray magaalada London halkaas uu uga qeyb galayey shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kulamo la qaatay Madaxda dalka Ingiriiska oo uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isaga oo ka qeyb galay shirka ayuu kaga hadlay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here