Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo kulamo la yeeshay Wasiirka Macdanta dalkaasi

0

Ouagadougou, Burkina Faso – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee waaxda macdanta iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideysan lahaayeen khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalkaas.

 

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba, ayaa Danjiraha si diirran ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa, isagoo sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dal. Waxa uu xusay in albaabadu u furan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale Danjiraha la wadaagay macluumaad ku saabsan nidaamka ruqsadaha baarista macdanta iyo howlaha ballaaran ee soo saarista dahabka ee ka socda Burkina Faso, oo ka mid ah dalalka ugu wax-soo-saarka badan dahabka qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso, Roland Achille Sow. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray sidii kalluunka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa suuqyada Burkina Faso. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay hindisahaas, isagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal.

May be an image of one or more people, suit, dais and newsroomMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here