Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Waddada Kalkaal ee degmada Kaxda, taasi oo ah tan ugu dheer dhanka dhererka waddooyinka uu hirgeliyay Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana isku xirta degmada Kaxda iyo Afgooye.

 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda xarig-ka-jarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in waddooyinku yihiin laf-dhabarta horumarka bulshada.

“Dhismaha waddooyinku ma aha oo keliya horumar bilicda lagu soo celinayo, waa maalgashi lagu xaqiijinayo isku socodka bulshada, kobaca dhaqaalaha iyo mustaqbalka Caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an inuu shacabka gaarsiiyo adeegyo tayo leh iyo kaabayaal waara,” ayuu yiri Guddoomiye Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in maamulku sii wadi doonno fulinta mashaariicda horumarineed ee lagu casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si kor loogu qaado bilicda Caasimadda, loona fududeeyo nolosha shacabka ku dhaqan caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Agaasimayaal, Guddoomiyeyaal degmo, Waxgarad, Culimo, Odayaal dhaqameed iyo boqollaal kamid ah shacabka deegaanka, oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here