Somalia oo saxiixday sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka

0

BAKU (SMN) – Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Xaruntan ayaa wax badan ka qaban doonta arrimaha la xiriira shaqo abuurka, iyo ilaalinta bulshada ee dawladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka, iyada oo ujeeddadeedu tahay in ay wax laga qabto caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada si ay horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Lix waddan oo xubin ka ah ururka oo ay ugu horreeyaan Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya, ayaa maanta saxeexay xeerka xarunta shaqada, intuu uu socday kalfadhigani, taasi oo waddarta guud ee ee dalalka saxeexay ka dhigaysa 16 dal.

Dawlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay maanta saxeexdo xaruntan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay xaruntani qarankeena iyo bulshada Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here