MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweeyay cunaqabateynta hubka ee haatan laga qaaday Soomaaliya, kadib muddo 31 sano ah.
Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu taliyuhu ballan qaaday inay ilaalin doonaan hubka usoo gacan geli doono ciidamada qalabka sida, si loo xaqiijiyo in aanu u gacan gelin cid kale.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay ka adkaan doonaan Al-Shabaab, haddii ay helaan hubkaasi oo uu tilmaamay inuu xilligan muhiim u yahay ciidamada Xoogga dalka
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxa ay la daala dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ugu horreyso joogitaanka Al-Shabaab oo hadda dagaal adag kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya.