HALGAN (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku suganaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolkaaasi, waxaana la gaarsiiyay jab xoogan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.
In ka badan 60 xubnood ayaa Al-Shabaab looga dilay howlgalkan, ayada oo sidoo kale lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi, sida ay shaacisay warbaahinta Qaranka.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan aagga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.