Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka labada dal

0

DOOXA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada mudane Axmed Xuseen.

 

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Mudane Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here