Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

0

Ankara – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Ankara ee dalka Türkiye.

 

Taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Türkiye, Danjire Fathudiin Cali Maxamed, iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda. Booqashadan ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka Türkiye.

Intii ay booqashadu socotay, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here