Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.
Wafdiga ayaa Soomaaliya u yimid arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo caafimaadka, waxaana shalay ay heshiis dhinacyo badan leh la saxiixdeen Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Wafdiga ayaa salaan sharafeed ugu yimid Ra’iisul Wasaare Xamsa, iyagoo sidoo kale la wadaagay farriimo ay ka wadeen madaxda Dowladda Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo uu kulanka ku wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.





