DHUUSAMAREEB (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta shixnad gargaar ah u dirtay magaalooyinka Camaara iyo Wisil ee Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo tuuloyinka ku xeeran oo bilooyin ka hor Khawaarijta laga xoreeyey.
Bulshada ku nool deegaanadaasi ayaa xaalad adag wajahaya madaama Khawaarijta ay ku hayeen dhibaato ba’an, waxaana lagu wadaa in gargaarkaan loo qaybiyo.
Gargaarkaan ayaa gaaraya 40-tan, wuxuuna ka koobanyahay Raashin, Timir, iyo kaalmooyin kale oo daboolaya baahiyaha aasaasiga ay qabaan dadka ku sugan deeganadaas.