MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in dadka deggan dhul ku yaalla xaafadda Haanta Dheer ay isaga guuraan halkaasi balse ay diideen, taas oo keentay in ciidamo kale oo milatari ah oo u baabulan hab beeleed ay yimaadaan, kadib uu sidaas ku qarxay dagaalka labada dhinac.
Dadka shacabka ah ee deggan xaafadda lagu dagaalamay ayaa xalay oo dhan waxa ay maqlayeen dhawaqa rasaasta labada dhinac, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuna aadan dagaalkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkasto dhaq-dhaqaaq ciidan weli laga dareemayo qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.