Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Galgaduud

0

GALHAREERI (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

 

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday guri ay daganaayeen Al-Shabaab iyo goob u ahayd kayd qaraxyo ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana dhulka lala simay dhammaan goobaha la beegsaday.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Hawlgal qorsheysan oo ay iskakaashadeen Ciidamada Qaranka, kuwa Deegaanka  iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa  ka dhacay Degmada Galhareeri ee Gobalka Galgaduud waxaana lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta arxanka daran.

Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa guri ay deganaayeen maleeshiyada Argagixisada ah iyo Xaruntii keydka Qaraxyada oo mar kale duqeyn loo gaystay lana burburiyay.

Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo  ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay.

Dhawaan ayaa dhulka lala simay idaacad beenaadkii argagixisada, geerish ay gawaarida ku farsameeyaan, iyo guri ay deganaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda naf la caariga ah.

Ciidamada geesiyaasha Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an soo afjarida maleeshiyada gumaada Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here