MUQDISHO – Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa galabta kormeer ku tagay Tuulada Cayaaraha ee Stadio Muqdisho, oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto munaasabadaha cayaaraha ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.
Kormeerka ayaa lagu qiimeeyey diyaar-garowga garoonka iyo howlaha la xiriira qabsoomidda tartamada iyo munaasabadaha kala duwan ee lagu maamuusayo toddobaadka xorriyadda.
Sidoo kale, xubnaha Wasiirrada ah ee ka tirsan guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka kala qeyb galay daawashada kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya, kaas oo ka dhacay garoonka Stadio Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ayaa xusay muhiimadda ay cayaaruhu u leeyihiin xoojinta wadajirka bulshada iyo dhiirrigelinta dhalinyarada, gaar ahaan xilliyada lagu xusayo munaasabadaha qaran ee taariikhiga ah.
Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa sanad walba si weyn looga xusaa dalka, iyadoo lagu qabto munaasabado kala duwan oo isugu jira cayaaro, bandhigyo dhaqameed iyo xaflado lagu maamuusayo halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.





