Diyaarad Israel laga leeyahay oo lagu afduubi rabey hawada Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Diyaarad nooca rakaabka ah ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day lagu afduubi lahaa xili ay maraysay hawada dalka Soomaaliya.

 

Diyaarada El Al ayaa lagu furay nidaamkeeda isgaarsiinta qalqal dhanka Internet loo mariyay, waxaana la siiyay tilmaamo qaldan oo aan ahayn kuwii ay ku socotay taasoo muujinaysa in qorshaha uu afduub ahaa.

Waxay siday dad rakaab ah oo kasoo qaaday Thailand iyadoo kusii jeeday Israel.

Waxay sheegtay shirkada diyaarada in duuliyaasha ay qaateen go’aan ah inaysan u hogaansamin tilmaamaha la siinayo oo la rabay in lagu dejiyo goobtii lagu afduubi lahaa.

Koox cadow lagu tilmaamay ayaa ka dambeeyay falkan isku dayga afduubka diyaarada Israelioo hawada ay ku safraysay ay ka agdhaw yihiin Xuutiyiinta.

Sidoo kale, waxaa la tuhmayaa in fariimaha qalqal gelinta ay ka yimaadeen dhanka Somaliland oo hadda dagaal hawada ah kula jirta dowlada Soomaaliya oo gacanta ku haysa maamulka hawada dalka.

Somaliland ayaa bilowday inay garoonka Hargeysa system ka ku xiran ku siiso tilmaamo jahwareeriyay diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

Waa dhacdadii 2aad mudo todobaad ah oo diyaarad Israel laga leeyahay lagu carqaladaynayo hawada Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha diyaarada.

Xuutiyiinta ayaa mudooyinkii dambe weeraro ku qaadayay maraakiibta kusii jeeda Israel ee mara badda cas. Tallaabadan ayaa waxay Xuutiyiinta ku sheegeen mid ay ugu hiilinayaan Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here