NEW DELHI, HINDIYA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxamed Odowa, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 28-aad ee Guddida Madaxda Sare ee Ururka Wadamada Dhaca Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association – IORA), isaga oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii ururka muddadii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha horyaalla dalalka xubnaha ka ah iyo xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada kala duwan.
Mas’uuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshayaal iyo ajandayaal muhiim ah oo loo gudbin doono Golaha Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah IORA, si loo sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga dhaqaale, amniga badaha iyo horumarinta bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.
Ururka IORA ayaa ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya, waxaana uu ka shaqeeyaa xoojinta iskaashiga gobolka, kobcinta ganacsiga iyo ilaalinta amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Badweynta Hindiya.




