Taliyaha AUSSOM iyo Madaxa UNMAS oo Ka Wada Hadlay La-dagaallanka Khatarta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya

0

MUQDISHO – Taliyaha Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sarreeye Guud Sam Kavuma, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino-saarka (UNMAS), Fran O’Grady.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya AUSSOM iyo UNMAS si wax looga qabto khataraha walxaha qarxa iyo dardargelinta howlaha miino-saarka ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshaha Tababarka Tababarayaasha (Training of Trainers), dhisidda awood qaran oo waarta iyo kor u qaadista adkeysiga hay’adaha amniga ee la tacaalidda khataraha ka dhasha walxaha qarxa.

Taliyaha AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ciidamada AUSSOM iyo Ciidanka Amniga Soomaaliya lagu qalabeeyo xirfado iyo aqoon ay si hufan ugu maareyn karaan halisaha ka dhasha miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Dhankiisa, Madaxa UNMAS, Fran O’Grady, ayaa dib u xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada miino-saarka, tababarrada farsamo iyo xoojinta dadaallada lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.May be an image of newsroom and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here