MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna iskuduwaha gargaarka bini’aadannimada George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka dhabeynta mudnaanta Dowladda ee ah ka hortagga leexsashada gargaarka, horumarinta qaab-dhismeedka isla xisaabtanka, doorka dawladdu ku leedahay fulinta iyo la socodka qorshaha ka jawaabista, sida canshuur dhaafku muhiim ugu yahay deeqaha bani’aadannimo iyo caddeynta waajibaadka adeeg bixiyayaasha dalka.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay ku xigeenka Ergeyga iyo guud ahaan hoggaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sida ay uga go’antahay taageerada howlaha bani’aadannimo ee dalkeenna.