MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleeeyada dalka.
Inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ayaa soo gaaray caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ka qayb-galayo shirkan oo uu guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan waxaa ka maqan oo kaliya madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu haatan khilaaf xoogam kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba shirkan ayaa imaanaya, xilli uu haatan dhammaad yahay muddo xileedka inta badan hoggaanka maamul goboleedyada dalka.