Xujeyda Soomaaliyeed oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

0

MADIINA (SMN) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee Magaalada Madiina Al munawara.

 

Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud, waxaana ufududeeyey Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta JFS u qaabilsan Arrimaha Xajka.

Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan magaalada Madiina iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale ee wali ku sugan dalka kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay u bixi lahaayeen.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS mudane Mukhtaar Roobow oo Arbacadii Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horeysay ayaa kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka iyo asluubta xajka, islamarkaana wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii camalka wanaagsan ee 5ay gudanayaan loogu fududeyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here