GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Puntland ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo ku geeriyooday shil gaari.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada, waxaan guud ahaan shacabka Puntland, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) uga tacsiyadeynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”
“Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Reer Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale EEBBE uga baryaya inuu u caafimaad taam ah siiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed oo dhaawac ka soo gaaray shilka gaari.
Dhinaca kale waxaa shilkan ka hadlay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo isna ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaanka ku dhintay shilkaasi.
“Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuu caawa ku geeriyooday Shil gaari, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Eheladii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inaga dhammaanteen Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni
“Sidoo kale waxaan Allaah Caafimaad degdeg ah uga baryayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo isna ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo dadka kale ee ku dhaawacmay Shilkaasi gaari. Aamiin, ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.