Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo xalay howlgal culus ka sameeyay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magau magacaabi jiray Cabdulqaadir Xaaji Eenoow, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri:-

“Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa caawa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo xalay ku guuleystay inay khaarijiyaan.”

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana badanaa ay weerar culus kasoo abaabulaan gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here