Wararkii ugu dambeeyay ee geerida ku timid madaxweynaha dalka Iran

0

TEHRAN (SMN) – Warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in madaxweynaha dalkaasi Ibraahim Raisi uu geeriyooday isaga iyo dadkii kale ee la saarnaa diyaaradda.

Dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jira wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Hossein Amir-Abdollahian.

Sidoo kale warbaahinta gudaha dalka Iiraan ee tabiyey warkan waxaa ka mid ah wakaaladaha wararka Mehr iyo Tasnim.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Ayatollah Ebrahim Raisi, wuxuu ku lug lahaa shil, isagoo u adeegaya oo gudanaya waajibaadkiisa danta dadka Iran waana shahiiday,” ayay tiri Wakaaladda Mehr ee Iran.

Telefishinka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here