MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedku ahaa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-