Booliska oo soo xiray qaar kamid ah dadkii dibad-baxa ka dhigay Daarusalaam

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada booliska Soomaaliya, qaybta gobolka Banaadir ayaa soo xiray qaar kamid ah dadkii dibad-baxa rabshadaha wata maalin kahor ka dhigay degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

 

Dadkan oo u badan dhalinyaro ayaa ka cabanayay arrin la xiriira awood qaybsiga maamulka Daarusalaam oo habeen hore loo aqoonsaday degmo rasmi ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidamada Booliiska Qeyta Guud  gaar ahaan Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam ayaa gacanta kusoo dhigay 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo dumar ku Edeysan in ay Dagmada Daarusalaam

ku qabteen isku soobax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan.

Eedeysanayaan Waxaana la horgeynayaa Maxalamadda Awooda u leh,

FG:- Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soobaxyada sababikara falala amaanka lidiga ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here