Wararkii ugu dambeeyay Markab lagu afduubay xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Markab ganacsi oo lagu magacaabo Basilisk ayaa kooxo burbad badeed ah ku afduubtay xeebaha dalka Soomaaliya xili dhawaan dowlada heshiis difaaca badda oo 10 sano ah la gashay Turkiga.

 

Markabka oo ku shareecanayay calanka dalka Liberia ayaa lagu afduubay meel qiyaastii 420 nautical miles koonfur bari ka xigta degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay Hawlgalka ganacsiga badda ee UK.

Afduubka markabka ayaa waxaa geystay dhowr qof oo burcad badeed ah kuwaasoo watay labo doonyood oo yar yar oo gudaha u galay markabka Basilisk.

Burcad badeeda ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta qolka laga kaxeeyo markabka, iyadoo 17 ka mid ah shaqaalihii markabka ay ku xayiran yihiin gudaha qol kamid ah markabka oo ay isku soo xireen. Waxaa la jaray dhamaan isgaarsiintii markabka kadib afduubka.

Markabka ayaa la yimid dalka Holland, wuxuuna kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta xiliga la afduubayay.

Dhacdadan ayaa imaanaysa kadib markii dhawaan burcad-badeeda ay qaateen 5 milllion oo madax furasho ah, oo ay kusii daayeen markabka MV Cabdullahi oo Bangladesh laga leeyahay iyo 23 shaqaale ah oo dalkaas u dhashay.

Weerarada iyo afduubka burcad-badeeda ayaa dib usoo rogaal celiyay sanadkan iyadoo tan iyo 2017kii aan ka dhicin wax afduub markab ah xeebaha dakka Soomaaliya. Arintan ayaa loo sababeeyay amni darada kasoo korartay badda Cas oo xuutiyiinta ay ku weerarayaan maraakiibta reer galbeedka iyo kuwa kusii jeeda Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here