Ciidamada Macawiisleyda oo hub kasoo saartay kooxda Al-Shabaab

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya aya sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay uu gobolkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka deegaanka ay weerareen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Baraakh Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, gaar ahaan halka loo yaqaanl Geerille, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacado qaatay, waxaana jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidanka Macawiisleyda ee weerarka qaaday Al-Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada isbaheysanaya ayaa howlgallo culus ka waday xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here