Taliye SULUB oo digniin culus u diray dadka isticmaala baraha bulshada

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin oo ka hadlaayay dhaqan xumada iyo Aflagaadada muddooyinkii dambe ka socday baraha ay ku xariirto bulshadda ayaa sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono cid kasta oo si qaldan u adeegsata qaybaha kala duwan ee wax la’isugu gudbiyo.

 

Taliye Sulub ayaa sheegay in qof kasta oo baraha bulshada isticmaala ee si xun wax u sheega in ay gacanta ku soo dhigi doonaan, si uu u caddeeyo waxa uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu wacad ku maray in shaqsigii ay ku cadaato dambiga uu galay ay si deg-deg ah u horgayn doonaan maxkamadaha awoodda u leh si looga qaado tallaabo sharci ah.

Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka caadeestay in baraha bulshadda ay ku aflagaadeeyaan madaxda qaranka iyo shaqsiyaadka kale taasi beddelkeeda ayuu taliyuhu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si buu yiri loo gaaro yoolka la tiigsanayo.

Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay laamaha amniga soo xir-xireen adkii ugu badnaa ee loo haysto anshax xumo iyo kicin bulsho, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo maxkamadda ku shaqada leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here