Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag dhaawac ka gaystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo ku eedeysan inay dhawaan dhaawac u gaysteen gacansato ku suganayd degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

 

Labada eedeysane oo ka tirsanayaa waxaa magacayadooda lagu kala sheegay C/laahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

MUQDISHO 26-5-2024.

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo.

1-D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed

2-Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen kusaaw oo ku eedeysan in ay taariikh 21-5-2024 in ay dhac iyo dhaawac u geesteen labo  muwaadin oo ganacsi ku leh Dagmadda Garsbaaleey.

Waxaana la horgeydoonaa Maxkammadda awooda u leh insha-Allah.

Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.gov.so.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here