Militariga Mareykanka oo sheegay in aysan howlgal ka fulin buuraha Calmadow

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka al-Shabaab ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay duqaymo ahaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo dhaceen, waxaase uu sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here