Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo guddoomiya shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir gaar ah oo ay yesheen qaban-qaabiyeyaasha shirka lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta waxyeellada, khasaarahii ka dhashay fatahaaddii iyo daadadkii El-Nino ee sanadkii hore ku dhuftay dalka, kaas oo Talaadada soo aaddan ka furmaya Muqdisho.

 

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa George Conway oo ah ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin ka kala socday bangiga lacagta adduunka iyo Midowga Yurub.

Shirkaan ayaa looga hadlay qaban-qaabada iyo ajandaha shirka iyo sidii kulanka u noqon lahaa mid guulaysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here