Daawo: Madaxweynaha Jubbaland oo booqday deegaanka Buulo Xaaji

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deeegaanka Buulo Xaaji ee gobolka JuBbada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.

 

Axmed Madoobe oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka iyadoo Madaxweynahu uu intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan  loo soo dhisi doono.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buuloxaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxaha Khawaariijta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo dheer Al-Shabaab ay isku diraysay beelaha deegaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here