BF oo gancsatada uga digay inay hanti iska geliyaan Qabuuraha Iskuul Buluusiya

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Cabdisamad MacaLlin Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan Qabuuraha Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

 

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in aysan xiligan jirin baahi loo qabo in meyti mudo dheer mootan lasoo faago.

Xildhibaanka ayaa carabka ku dhuftay in Baarlamaanka marka uu kalfadhigiisa furmo uu xukuumadda kula xisaabtami doono barakicintii lagu sameeyay dadkea Meytida ah.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Samad ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay hantidooda geliyaan dhulkaan meydadka laga soo faagay iyo dhulalka kale ee ay dowladdu ka iibinayso, isagoo xusay in ay xukuumadani meesha ka bixi doonto

Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdisamad oo ka hadlay dhanka kale shaqada Baarlamaanka ayaa sheegay in wax badan ay ka il duufeen Xildhibaanadu oo ay kamid yihiin heshiisyo badan oo si fudud lagu meel-mariyay, kuwaas oo qaarkood taabanaya amniga dalka.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here