Khatarta Daacishta Soomaaliya oo sii kordhayso iyo Mareykanka oo ka digay

0

MUQDISHO (SMN) – Mareykanka ayaa sheegay inuu sii xoojinayo howlgallada Soomaaliya, sababo la xiriira khatarta sii kordheysa ee dagaalyahanada Daacish, ee saldhigyada ku leh buuraha gobolka Bari ee maamulka Puntland.

 

Saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in Daacishta Soomaaliya ay markii hore diri jirtay dhaqaale lagu fuliyo weerarada dibadda balse hadda ay suurtagal tahay inay ku martigeliso Soomaaliya hogaamiyaha guud ee Daacish.

Saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka ayaa rumeysan in madaxda IS ay Afrika u arkaan goob istaraatiji ah oo is ballaarin ah, iyadoo IS-Soomaaliya ay fure u tahay howlahooda.

Sirdoonkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in amiirka IS Abu Xafs al-Hashemi al-Qurashi laga yaabo inuu u guuray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Tani waxay daba socotaa digniino ka soo baxay madaxda Soomaalida oo ku saabsan awoodda IS-Soomaaliya oo sii kordhaysa, oo ay xoojinayaan dagaalyahannada Yemen. Dhowaan ayay ahayd markii weerar cirka ah oo Maraykanku uu ku bartilmaameedsaday hogaamiyaha IS-Somalia Cabdulqaadir Muumin, balse wali lama hubo halka uu ku dambayn doono.

Inkastoo Daacishta-Somalia ay ka yar tahay tiro ahaan AS, ayna leedahay 100 ilaa 400 dagaalyahan, waxay door muhiim ah ka ciyaartaa howlgallada caalamiga ah ee ururka oo ka taageerta dhaqaalaha.

Saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya IS uu u soo wareegay Soomaaliya,iyaga oo ku sababeeyay caqabado kasoo wajahay halkii uu ku noolaa oo ah Syria iyo Iraq.

Si kastaba ha ahaatee, muhiimadda istiraatijiyadeed ee IS-Soomaaliya iyo hawlaheeda maaliyadeed ayaa weli ah mid walaac uu ka qabo Mareykanka, taasoo muujinaysa khatarta joogtada ah ee kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here