Xog: Turkiga oo bilaabayo wada-hadallo u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya

0

ANKARA (SMN) – Dowladda Turkiga ayaa bilowday dadaallo ku aadan sidii ay u wada-hadli lahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan ka dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda.

 

Dowladda Turkiga ayaa labada dal cadaadis ku saareyso inay 30 bishan ay wada-hadallo uga bilowdaan magaalada Ankara, si xal looga gaaro xiisadda dhex taalla Muqdisho iyo Addis Ababa.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo sheegay in wada-hadalladu ay ku bilaaban doonaan heer wasiir arrimo dibadeed, ayna uga wada hadlayaan xiisada labada dhinac u dhaxaysa.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada TurkigaHakan Fidan oo dhowaan kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku wargeliyay in xukuumadda Ankara ay xoogga saarayso Geeska Afrika oo xasiloon, kana heshiiya xasaradaha u dhaxeeya.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qorshaha socda ee ay hohgaanka u hayso dowladda Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli aysan weli Itoobiya ka laaban Is afgaradkii ay la saxiixatay bilowgii sannadkan maamulka Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda dhexe.

Xiisadan labada dal ayaa gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana la’isla aaday dhinaca diblumaasiyadda oo ay guul wayn ka gaartay Soomaaliya, halka weji gabax ay kala kulantay Itoobiya, kadib markii lagu dhaleeciyay heshiiska ay la gashay Somaliland.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u diiday la kulanka ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo inuu si hoose ugala hadlo arrinta badda, si ay uga heshiiyaan xiisadda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here