QM oo ka hortimid xad-gudubka Itoobiya ee madax-banaanida Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Ku simaha ergayga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin ka siiyay gollaha amniga xaaladda dalka, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, dhameystirka dastuurka, amaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

 

Swan shirka Gollaha amaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xilligan caqabado badan oo ay ku jirto faragelin qaawan ee Itoobiya ku hayso madax-banaanida dalka kadib markii heshiis xiisad diplomasi dhaliyay la gashay Somaliland.

“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda gobolka Geeska Africa ka taagan, ee ka dhalatay heshiiska badda Somaliland la gashay Ethiopia 1dii bishii January 2024, waxaan ku baaqayaa in la dhowro madax-banaanid iyo midnimada dalka Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa labada dowladood inay khilaafka ku xaliyaan si nabdoon, oo waafaqsan xeerarka caalamiga iyo axdiga QM,” ayuu yiri James Swan.

Baaqa ku-simaha Ergayga QM ayaa waxaa codkiisa ku biiriyay danjiraha Mareykanka ee Gollaha amaanka oo isna sheegay in xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay arin uu maamulka Biden walaac badan, maadaama ay dhaawacayso xasiloonida Gobolka Geeska Africa iyo dadaaladda wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.

Mareykanka iyo QM ayaa soo dhaweeyay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay deyn-cafinta, dib u eegista dastuurka, qaadista xayiraadda Hub iyo kamid noqoshadda Bulshadda Bariga Africa iyo Gollaha amaanka.

Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland horaantii sanadkan kaasoo ay ku doonayso inay ku boobto 20KM oo bad ah, oo ay rabto inay saldhig Ciidan iyo dekad ka dhisato.

Abuukar Baalle, oo ah danjiraha Soomaaliya ee QM ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay todobaadyadii u dambeeyay soo galeen dalka, iyagoo dhowr jiho ka yimid, waxayna dagaal la galeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Arintan ayaa imaanaysa xili la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu sheegay dhawaan in Ciidanka Itoobiya oo dhan inay dalka ka bixi doonaan bisha December ee 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here