NAIROBI (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhabagal ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Uganda, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray Soomaali ku safreysay halkaasi.
Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo watay baangado iyo mindiyo, kuwaas oo wadada u galay dadkii ku socdaalayay halkaasi.
Ugu yaraan 4 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay weerarka, halka lagu dhaawacay 5 kale, sida ay sheegayaan warar hadda soo baxaya.
Dadka dhintay waxaa ku jirtay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Cosob, taasy oo dhawaan ka qalinjabisay Jaamacad ku taalla dalka Kenya.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan safaaradeedda Nairobi weli kama hadlin falkaasi argagaxa leh ee ka dhacay xadka ay wadaagaan waddamada Kenya iyo Uganda