Nairobi – Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay Sarreeye Gaas Joel Muriungi M’Arimi, Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya (KMA), ahna musharrax shahaadada PhD ka ah Jaamacadda Masinde Muliro ee Sayniska iyo Teknolojiyadda (MMUST), iyo Cabdihakim Xasan, Agaasimaha Guud ee shirkadda diyaaradaha I-Fly Air, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid xarunta safaaradda.
Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada nabadda iyo dowlad-dhiska, dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga amni ee dowladaha gobolka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay doorka Qaramada Midoobay (QM) iyo Midowga Afrika (AU) ay ka qaataan taageeridda dadaallada nabad-dhisidda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Dhinaca kale, dhinacyadu waxay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xoojinta isku-xirka duulimaadyada, ganacsiga iyo maalgashiga, iyagoo isla qaatay in arrimahaasi ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha, is-dhexgalka gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika.
Soomaaliya ayaa muujisay rajada laga qabo in iskaashigan uu sii xoogeysan doono, si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo iskaashi miro-dhal ah oo faa’iido u leh Soomaaliya, Kenya iyo guud ahaan gobolka Afrika.



