Dagaal beeleed dib uga qarxay degmada Luuq iyo khasaaraha oo kordhay

0

LUUQ (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, kaas oo markale maanta dib uga qarxay degmadda Luuq ee gobolka Gedo.

 

Dagaalkan oo socdo muddo saacado ah ayaa waxaa la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka uu kusii fiday duleedka magaaladaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, kaasi oo soo kala gaaray labadda dhinac ee dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale madaafiic culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyadda dagaalamaya ayaa laga maqlayaa gudaha magaaladda, waxaana adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka Dib u qarxay, maadama uu si xoogan u socdo, ayna go’ay adeegga isgaarsiinta.

Dadka ku dhintay dagaalkan oo shalay soo bilowday waxaa kamid ah hooyo iyo gabadheeda, sidoo kale waxaa  dhaawac uu ka soo gaaray dagaalka socda mus’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Luuq, Mudane Daahir Maxamuud Nuur.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeysanayo, waxaana sidoo kale ku biiray ciidamo ka kala yimid degmooyinka kale ee gobolka Gedo.

Xaaladda guud ee degmada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka qaar ay isaga barakaceen guryahooda, si aysan waxyeelo uga soo gaareyn xabadda dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here