Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaan istaraatiiji ah

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iy kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay deegaan istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

 

Deegaankan oo lagu magacaabo Filfile ayaa dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo isna dhowaan uun laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaankaas uu Al-Shabaab u ahaa meel ay xoolaha  uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ku lahaayeen xarumo muhiim ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda aagga magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa haatan ka bilowday wajiga labaad ee dagaalka, waxaana halkaas howlgallo culus ka wada ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here