Dagaalka ka socda degmada Luuq oo galay maalintii saddexaad

0

LUUQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale dagaal culus uu maanta dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolkaasi, kaas oo galay maalinkii saddexaad oo xiriir ah.

 

Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wuxuu markii hore dagaalka ka dhashay muran soo kala dhex-galay laba askari oo mid kamid ah goobta lagu dilay, waxaana kadib sidaas ku qarxay xiisadda oo isku beddaly mid beeleed, sidoo kale waxaa la dilay dad kale oo shacab ay ku jiraan, ayada oo gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay fashilmeen dadaallo ay wadeen maamulka gobolka iyo waxgaradka deegaanka, waxaana dib sidaas ugu qarxay dagaalka labada dhinac.

Maleeshyaadka ayaa heleya gurmadyo, waxaana sidoo kale magaalada ka socota duqeyn madaafiic ah, taas oo uga sii dartay xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Xaaladda guud ee degmada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka qaar ay isaga barakaceen guryahooda, si aysan waxyeelo uga soo gaareyn xabadda dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here