Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday askari horay dil u gaystay

0

MUQDISHO (SMN) – Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”, ayaa loo soo xiray in uu dil kas ah u geystay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud, Falkaan oo lagu geystay Qori AK47 ah ayaa ka dhacay degmadda Yaqshiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Miisaanka dhuxusha taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan 2024.

 

Marxuumka oo saarnaa mooto Bajaaj, ayna la socdeen Seddex qof, ayaa soo gaaray Bar lagu hubiyo Gaadiidka kala duwan oo Ciidanka Booliska ay ku lahaayeen isgoyska Miisaanka Dhuxusha, xilligaasi oo shaqada uu saarnaa Eedeysane Cabdisamad, baaris kadibna waa la fasaxay Mootada.

Mootadii uu la socday Marxuumka, ayaa markii la fasaxay kadib waxay istaagtay meel aan ka fogeyn Bartii hubinta, si ay u sugaan qof ka degay intay ku jireen Feelka Baarista, Eedeysane Dable Bol. Cabdisamad ayaa u yimid isaggoo ku yiri meeshaan ka taga, kadibna waxaa xigtay in Xabad uu ku soo riday Mootada, taasi oo madaxa ka haleeshay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud oo mootada gudaheeda fadhiyey, halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo labaatanka bishii Lixaad ee Sanad 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here