Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Xamarweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doonno.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, asigoo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama Degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here