Wasiirka arrimaha gudaha oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo khudbad kajeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka ayaa ka hadlay sida Dowladda Soomaaliya ay hortabin usiiso howlaha Xasillinta ee laga fulinayo deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu horayn bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in dhamaan loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta “Goobaha Al-Shabaab laga xoreeyay waxaa ka socda hawl baaxad leh oo baahan midnimo iyo in laga wada  shaqeeyo in dalladaasi ay miradhalaan”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahey adkaynta iyo xoojinta wadashaqaynta xasilinta “ Ka Wasaarad ahaan waxaa naga go’an in aan adkayno, xoojinana xiriirka iyo wadashaqeynta aan laleenahay Dowlad Goboleedyadda iyo dhammaan daneeyayaasha xasilinta”.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay howlgallada ka socda Jubbaland “Deegaannada Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa ka socdo hawl weyn oo dib u xoreyn ah, shaqadaas waan bogaadinaynaa ka Federaal ahaana waan garab taaganahay”.’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here