Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shaqaaqo ka dhacday Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shaqaaqo maanta ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii dadweyne careysan ay isku soo baxeen halkaasi, kuwaas cabasho ka ah burburin lagu sameeyay xaafadooda, waxayna xirteen laamaha dheer ee deegaanka Ceelasha Biyaha, taas oo keentay in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ciidamada oo rasaas furay ayaa lasoo wariyay inay goobta ku dhibteen illaa ku dhowaad 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah shacabkii goobta ku sugnaa.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana lagu kala cararay goobta, sida ay Shabelle u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ah.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaas iyo xiisadda ka taagan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo kordhahay murannada la xiriira dhulka iyo burburinta lagu hayo, waxayna dhacdadan noqoneysaa tii labaad oo lagu burburiyo xaafado ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana la xasuustaa tii Dab-damiska ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here