Xildhibaan ka tirsan BFS oo shaaciyay in awoodihii laga qaaday 4 wasiir + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo kamid ah mudanayaasha BFS oo ka hadlayay hubkii lagu boobay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay dambiyo kale ka dhasheen hubkaas oo si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in dambiga koowaad ay gashay cidda hubka soo gelisay dalka, midka labaadna uu yahay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkii uu sababay hubkaasi, dambiga kalena waxa uu tilmaamay inay gashay cidda amarka siisay ciidamada NISA ee soo galbiyay gaadiidka siday hubkaasi.

Saadaq oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in awoodihii laga qaaday wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, sida amniga, gaashaandhigga, maaliyadda iyo  dibadda, wuxuuna tilmaamay in shaqsiyaad awood leh la hoos geeyay wasiiradooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaradahan ay soo galeen heshiisyo qarsoodi ah oo aan la horkeenin baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad xoogan oo siyaasadeed ay ka taagan tahay gudaha dalka, taas oo ay qayb ka yihiin xildhibaannada baarlamaanka oo si wayn ugu dhagan xukuumadda federaalka ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here