Ugu Yaraan 49 Qof oo Harraad iyo Kuleyl Ugu Geeriyooday Saxaraha Waqooyiga Niger

0
A truck carrying gold miners across the Sahara desert to far northern Niger drives outside Agadez, Niger, May 9, 2016. Picture taken May 9, 2016. To match Analysis EUROPE-MIGRANTS/AFRICA REUTERS/Joe Penney - S1BEUGSQGAAA

Niamey – Maamulka dalka Niger ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 49 qof ay harraad iyo kuleyl daran ugu geeriyoodeen deegaan saxare ah oo ku yaalla waqooyiga dalkaas, kaddib markii uu ciladoobay gaari xamuul ah oo ay la socdeen, taasoo sababtay inay maalmo badan ku go’doomaan saxaraha.

 

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen muwaadiniin ka soo laabtay dalka deriska ah ee Mali, kuwaas oo ku sii jeeday deegaannadooda si ay qoysaskooda ula dabaaldegaan munaasabadda Ciidul Adxa. Safarkooda ayaa isu beddelay musiibo markii uu gaarigii ay wateen ku xumaaday meel ka fog goobaha ay ka heli kareen biyo iyo gargaar.

Guddoomiyaha gobolka Agadez ayaa qoraal uu ku baahiyay barta Facebook ku sheegay in dhibbanayaashu ay ku dhinteen meel ku taalla in ka badan 80 kiiloomitir galbeedka magaalada Assamaka, oo ah marin muhiim ah oo isku xira dalalka Niger iyo Algeria, isla markaana ku dhow xadka Mali.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadaallo ay sameeyeen darawalka, caawiyayaashiisa iyo rakaabkii saarnaa si loo dayactiro gaariga ay guul-darreysteen, taasoo keentay inay ku xayirmaan deegaan saxare ah oo leh cimilo aad u kulul, isla markaana aan lahayn ilo biyo ama cunto laga heli karo.

Wafdi uu goobta u diray Guddoomiyaha Gobolka Agadez, Jeneraal Ibra Boulama Issa, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu maalmo ka hor ka soo ambabaxay magaalada Talhandek ee dalka Mali, oo qiyaastii 300 kiiloomitir u jirta xadka Niger.

Kooxaha gurmadka ee gaaray goobta ayaa sheegay in meydadka dhibbanayaasha lagu aasay xabaalo wadareedyo ku yaalla halka ay masiibadu ka dhacday, maadaama markii la helay ay badankood naftu ka baxday.

Dhanka kale, labo qof ayaa si mucjiso leh uga badbaaday musiibadan, kaddib markii ay lug ku mareen masaafo ka badan 50 kiiloomitir si ay u gaaraan meel biyo laga heli karo. Kadibna waxay u sii gudbeen magaalada Assamaka, halkaas oo ay maamulka ku gaarsiiyeen warbixinta musiibada ka dhacday saxaraha.

Ilaa hadda lama oga muddada saxda ah ee ay rakaabku ku sugayeen gargaar ka hor inta aysan u geeriyoon harraadka iyo kuleylka daran.

Gobolka saxaraha ah ee waqooyiga Niger ayaa muddo dheer ahaa marin ay maraan qaxootiga iyo muhaajiriinta ka soo jeeda dalal badan oo Afrika ah kuwaas oo u sii socda Yurub. Waxaa marar badan laga soo sheegaa dhimashooyin ka dhasha harraad, macaluul iyo ku lumid saxaraha oo ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee ay la kulmaan dadka safarrada dheer ku gala saxaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here