DF Soomaaliya oo ka mahadcelisay go’aan uu gaaray baarlamaanka dalka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey qaraarka uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa ku tilmaamay inay tani ka dhigantagay  tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye.

“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Dhowaan ayay ahayd markii dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis difaac, kaas oo kusoo aaday kadib heshiskii badda ee ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here